Qaxooti Soomaali da’ yar ah oo lagu xiray dalka Thailand

Agaasimaha Hay’adda Xuquuqda ee FORTIFY, ayaa ugu baaqay Dowladda Thailand ina la sii daayo Qaxootiga u kala dhashay Pakistan iyo Somali, kuwaasi oo isbuucii hore lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee BANGKOK.

War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Hay’adaasi oo lagu magacaabo AMY SMITHwaxa uu ku sheegay inuu xarigooda meel-ka-dhac ku yahay Xuquuqda Qaxootiga Magangelyo-doonka ah ee ku nool dalkaasi.

Wuxuuna Dowladda Thailand ugu baaqay inay Xabsiga ka sii daayaan 4 Qaxooti Soomaali aad u da’ yar oo aysan cidna la soconin iyo 35 Pakistaaniyiin ah, kuwaasi oo la sheegay in dabayaaqadii bishii hore ee Oktoobar lagu qabtay Hawlgal ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee  BANGHOK.

Inta badan Qaxootigaasi oo u badan rag, haween iyo carruur waxay haystaan Dukumentiyadda Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha  Qaxootiga ee UNHCR.

Qaxooti ka ka yimid 50 Waddan ayaa ku noolaa dalka Thailand, kuwaasi oo ay Hay’adda UNHCR gacanta ku haysa ka hor intaysan Deganaansho ka helin Dalal kale.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media