Qaxooti Somali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xeryaha Kenya.

Tan iyo bishii hore ee Janaayo, waxa uu Cuddurka Daacuun Caloolaha (Cholera) ka dilaacay Xeryaha Qaxootiga ee ay ku jiraan dadka Soomaalida oo ku yaalla W/bari ee dalka Kenya.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa lagu sheegay in ka badan 1,535 Qaxooti Somali uu ku dhacay Daacuun-caloolaha, iyadoo ay 12 Qaxooti u geeriyoodeen shuban-biyoodka Koleeraha.

Hay’addu waxay sheegtaiy inay Shaqaalaha Samafalka kala shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa Faafida Daacuun-calooleedka, isla markaana la sameeyey  4 Xarumood oo ay yaallaan in ka badan 200 oo sariiro, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daaweeyo dadka uu ku dhaco Cuddurkaasi ee ku sugan Shanta Xero Qaxooti ee ay ka kooban tahay Dhadhaab.

Warbixinta UNHCR waxaa lagu sheegay inay dadka Qaxootiga u dhiseen Musqulo dheeraad ah, isla markaana ay u qeybiyeen Saabuun iyo waxyaabaha kale ee lagu dhowri karo Faya-dhowrka qofka iyo Deegaanka.

Xeradda Dhadhaab waxa horey uga da’ay Roobabka culus ee El Nino bilihii November iyo December ee sannadkii hore ee 2015-kii.

isbitaalka dhadhaab

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor