Qaxooti Somali ku noolaa Eritrea oo Dib-u-dejin ka helay Maraykanka.

37 Qaxooti Soomaali oo laga soo qaaday Xeradda Qaxootiga ee Umkulu Camp oo ku taalla Eritrea ayaa Transit ahaan loogu duuliyey dalka Islovakia, iyagoo u sii gudbi doona dalka Maraykanka oo ay ka heleen dib-u-dejin.

Ambabixinta iyo Dib-u-dejinta Qaxootigaasi waxaa iska kaashaaday  Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Xafiiska Arrimaha Qaxootiga (ORA) iyo Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM.

Qaxootiga Soomaalida ee laga qaaday Xeradda Umkulu Camp ee dalka Eritrea waxaa ka mid ah Shukri Cabdi Qaasim oo 52 jir ah, Xaaskiisa iyo 4 carruur oo ay dhaleen, kuwaasi oo muddo 19 sanno ku sugnaa Xeradda Eritrea, ka hor intaysan ka soo qaxin Degmadda Luuq ee Gobalka Gedo.

Qoyskan waxay saddexdii sanno ee ugu horreysay ku jireen Xero Qaxooti oo ku taalla magaalladda Casab ee Dekedda leh ee Koonfurta Eritrea, waxayna sannadkii 2000 u wareegeen Xeradda Qaxootiga ee Umkulu oo ku taalla duleedka magaalladda Masawac, halkaasi oo ay ku sugnaayeen 16 sanno, iyagoo ku sugayey inay dal saddexaad ka helaan Magangelyo Qaxootinimo.

 ©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor