Qaxooti Somali iyo Eritrean dibadbaxyo ka dhigay Jesiirad ku taalla Talyaaniga.

Ilaa Boqol qaxooti ka soo kala jeeda Somalia iyo Eritrea ayaa waxay dibadbaxyo, jidgooyo iyo kala-xirnaansho ku sameeyeen Jesiiradda Cagliari ee dalka Talyaaniga.

Qaxootigaasi ayaa ku noolaa Jesiiradda, tan iyo bishii hore, xilligaasi oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga ka soo badbaadiyeen dooni dul sabaynaysay meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

Dibadbaxa Qaxootiga ayaa waxay ku dalbanayeen in loo oggolaado inay Jesiiradda ka baxaan, oo ay u si isafraan dalalka kale ee Galbeedka Europe.

Wargeyska Breitbart ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha socod dheer ku soo mareen Waddooyinka Jesiiradda, waxayna muddo 7 saacadood xayireen Faras-magaalladaha.

Dibadbaxayaasha ayaa soo gabegebeeyey Bannaanbaxooda, kadib, markii ay Maamulka Jesiiradda la hadlay, waxayna ku laabteen Xeradda Qaxootiga ee ay ku nool yihiin.

Dadka ku nool Jesiiradda Kagliyaari waxay si carro leh kaga hor yimaadeen Qaxootiga xanibay isku socodka iyo deganaanshihii jesiiradda.

Daniele Caruso oo ah Siyaasi Deegaanka ayaa sheegay inay Jesiiradda u afduuban tahay Muhaajiriin aan sharci lahayn, wuxuuna sheegay inaysan xamili karin Dibadbaxyo kale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga ka soo horjeeda Qaxootiga ee Northern League, Matiyo Islafiini ayaa sheegay inuu xanuun iyo daal ka qaatay Qaxootiga ku sugan Jesiiradda Cagliari, wuxuuna ku baaqay in Qaxootiga loo wareejiyo Deegaano kale.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor