Qaxooti Somaaliyeed oo ku noolaa Xeryaha Kenya oo dib uga soo laabtay dalkooda

832 Qaxooti Somali ah ayaa labadaii toddobaad ee la soo dhaafay ku soo laabtay dalka hooyo, sida lagu sheegay Warbixinta Bilaha ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Xafiiska UNHCR ee Nairobi ayaa sheegay in 749 ka mid ah Qaxootigaai ku laabtay magaalladda Kismaayo, iyadoo 83 kalena ku soo laabteen magaalladda Muqdisho muddadii u dhexeysay bishan Sept. 1-dii ilaa 18-dii.

UNHCR waxay kaloo sheegtay in guud ahaan 73,031 Qaxooti ah ku soo laabteen Somalia tan iyo markii la bilaabay Barnaamijka Dib-u-soo-celinta Qaxootiga iskooda u go’aansada inay ku soo laabtaan dalkooda bishii December 8-dii ee sannadkii 2014-kii.

Dhinaca kale, Warbixinta UNHCR waxaa lagu xusay inay Qaxooti tiradooda gaarayso 17,229 qof oo haatan ku nool Xeryaha Kenya inay doonayaan inay iskooda ugu soo laabtaan Somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media