Qaxooti ay Soomaali ku jiraan oo lagu dhibaateeyo Xerooyin ku yaalla dalka Serbia

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Boliska dalka Serbiya inay jirdil iyo xabsi u geystaan Qaxootiga magangelyo-doonka ee ka soo gudba xuduudka.

Warbixin ay Hay’adda soo saartay ayey ku soo bandhigteen Wareysiyo ay la yeesheen Tobaneeyo ka mid ah Tahriibayaasha iyo Magangelyo-doonayaasha, kuwaasi oo ka cawday inay Boliska Serbiya kala kulmaan cabsi-gelin, jirdil, in la diido codsiyadooda Magangelyo-doonka iyo in dib loogu celiyo xuduudka dalka Mesodoniya.

Hay’adda Human Rights Watch oo uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in Tahriibayaasha sida xun ay ugu tacadiyaan Boliska Serbiya inay ka soo kala jeedaan Somalia, Syria iyo Afganistan.

Inta badan Tahriibayaasha waxay dalka Serbia ka dhigtaan marin ay kaga soo gudbaan dalalka Romania, Hungary  iyo Croatia.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Serbia wey beeniyeen Eedeymaha loo soo jeediyey, inkastoo ay jiraan boqolaal Qaxooti shisheeye ah oo lagu hayo shan xero oo ku taalla dalkaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor