Qatar iyo Kuwayt oo laga yaabo inay marti-geliyaan Qaxooti farabadan

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Marykanka, Antoni Bilinken  ayaa ku wajahan dalka Kuweyt, xilli ay Maraykanka doonayaan  inay dalalka Gacanka Carbeed marti-geliyaan Shaqaalihii Reer Afganistan ee la shaqeyn jirtay Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan dalkaasi.

Antoni Bilinken  ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalalka Kuweyt iyo Hinbiya si uu Madaxda dalalkaasi uga hadlo Ka-bixitaanka Ciiddanka Maraykanka ee Afganistan, Ka-hortaga Cuddurka COVID 19 iyo qoddobo kale.

Booqashadiisa oo bilaaban doonta maalinta Isniinta ee soo socota ayaa ku soo beegantay iyadoo Maamulka Madaxweyne Joe Biden doonayaan inay dabayaaqada bsiha soo socota ee Agost ay Dib-u-dejin u sameeyaan Shaqaalaha Reer Afganistaan ee la shaqeyn  jiray Ciiddanka Maraykanka.

Dalalka Kuweyt iyo Qadar ayaana qeyb ka ah dhowr dal oo ka baaraan-degaya inay marti-geliyan Kumanaan  Shaqaalaha Reer Afganistan ee ka walaacsan Noloshooda iyo tan Qoysaskooda iyo  inay u  gacan galaan Daagaalamayasha Ururka Daalibaan.