Qatar iyo Imaaraadka oo Awoodooda Milliteri ku tijaabinaya Somalia iyo dalal kale

lafaguray Galaangalka ay Imaaraadka iyo Qatar ku yeesheen Arrimaha Siyaasadda, Ganacsiga iyo Milliteriga ee Mandiqadda Bariga Afrika.

Wargeyska Forbes oo ka soo baxa Maraykanka waxa uu Qormadiisa ku xusay in markii ugu horreysay ay Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Somalia noqonayso Garoon ay Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee Hodanka ah ku tijaabiyaan Cududooda Dhaqaale iyo Milliteri.

Labadaas Dowladood waxay colaadooda kacsan u soo wareejiyeen Mandiqadda Bariga Afrika.

Qatar iyo Imaaraadka waxay qaateen Hoggaaminta, kadib, markii ay dalalka Geeska Afrika u balanqaaday Maalgelin ay ku kacayso Balaayiin Dollar, waxayna Kaalmooyinka ugu badan ku harqinayaan dalalka ku yaalla Xeebaha Bariga Afrika, laga bilaabo dalka Somalia ilaa Sudan.

Khilaafka Dowladaha Khaliijka kadib, waxay Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka qaadeen Tallaabooyin ay ku kasbanayaan dalalka Geeska Aftika, waxayna Imaaraadka culayska saareen sidii ay Saldhig Milliteri uga furan lahaayeen magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia.

Waxay Heshiis la galeen Maamulka la magac baxay Somaliland oo iyagu sheegta inay Dalka Somalia ka go’een Somalia sannadkii 1991-kii, inkastoo aysan Caalamka ka helin Ictiraaf iyo in loo aqoonsado Dal madax-bannaan.

Heshiiskaasi ayaan haysanin Hubaal Dhamaystiran, kadib, markii ay DFS qoraal Ashtako u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM oo ay kaga soo horjeedaan faragelinta ay Dowladda Imaaraadka Carabta ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalka Somalia.

Xaaladaasi waxaa si kulul ugu dhidhiyey Madaxweynaha Maamulka la magic baxay Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ayuu ku difaacay Heshiiska ay Imaaraadka ee Saldhigga Milliteri ee Berbera.

Sidaasi oo ay jirto, Dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyey ee Loolanka Imaaraadka iyo Qatar ayaa galay Marxalad Tartanka Dhaqaalaha lagu maalgelinayo Mashaariicda dalalka Geeska Afrika.

Dhowr isbuuc ka hor, Dowladda Qatar waxay Dowladda Sudan la saxiixdeen Qorshe lagu horumarinayo Dekedda SUAKIN oo ku taalla Badda Cas.

Dib-u-habaynta Dekeddaasi ayaa la sheegay in lagu kharaj gareyn doono lacag dhan 4 billion oo Dollar ($4bn).

Sidoo kale, dhowr bilood ka hor waxay Dowladda Turkiga la saxiixatay Dowladda Sudan heshiis lagu horumarinayo Saldhig Ciiddanka Badda ee magaalladda SUAKIN.

Shirkadda DP World ayaa qeyb ka ah dadaalka Imaaraadka Carabta, waxayna Heshiis la galeen Maamuladda Somaliland iyo Puntland.

Dowladda Jabuuti waxay bishii Feberaayo ee la soo dhaafay laashay Heshiis ay Shirkadda DP World kula galeen inay 30-sanno maamulaan  Dekedda Dooraale ee Caalamiga oo ay ku soo xirtaan Maraakiibta Kontaynarada ee (Doraleh Container Terminal).