Qatar iyo Iiraan oo wadahadal ka yeeshay dib u soo celinta heshiiskii Hubka Nuclear-ka

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa magaalada Tehran kula kulmay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei iyo madaxweynaha dalkaas Ebrahim Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

Waxay ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dal iyo dadaallada dib loogu soo celinayo heshiiskii nuclear-ka 2015-kii ee u dhexeeyay Tehran iyo quwadaha adduunka iyadoo wadaaxjoodyada ay burbureen kadib markii dhinacyadu ay isku mariwaayeen.

Shekh Tamim ayaa door muhiim ah ka cayaaraya dhex-dhexaadinta iyo wadaxaajoodyada qilaafyada arrimaha siyaasadda iyo diimaha ee gobolka, iyadoo xiriirka uu la leeyahay Washington iyo Tehran uu u saamaxayo soo gudbinta aragtiyada u dheexaya labada dhinac.

Amiirka Qatar oo Khamiistii booqasho ku tagay Iran ayaa markii uu la kulmay madaxweynaha Iran sheegay inuu aaminsan yahay in xalku uu ku jiro wadahadal sida ay qortay wakaaladda wararka rasmiga Iran. Labada hogaamiye ayaa ka wadadadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin xaaladaha Afghanistan, Iraq, Syria iyo dagaalka Yeman.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo leh go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha gobolka ee dalkiisa ayaa intii uu socday kulankii Amiirka ay la qaateen sheegay, in labada dal ay xoojiyaan xiriirkoodaa dhaqaale iyo siyaasadeed, laakiin wuxuu ku boorriyay dalalka Carabta, gaar ahaan Qatar inay taageeraan qadiyadda Falastiiniyiinta oo dagaal kula jira Israel oo uu ku tilmaamay ‘cadowga Iran.’

Booqashada Amiirka ayaa imaanysa iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan madaxweynaha Iran Ibrahim Rasi isagana uu booqasho ku ku tegay magaalada Doha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor