Qarixii Gaalkacyo oo lagu dilay Taliyihii ciidamada isku-dhafka Saraakiil kale

Faah faahino dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxaan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay in uu ahaa ruux waxyaabaha qaraxa isku soo xiray,waxaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada isku-dhafka ah ee loo sameeyey in ay sugan Amniga Magalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas lagu dilay taliyihii Ciidamada isku-dhafka ahaa oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud korneel Xorreeye iyo Sarkaal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku geeriyooday Haweeney Maqaaxi ku iibin jirtay goobta uu qaraxa ka dhacay halka dadkii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyey Isbitaalka Waqooyiga Magalada gaalkacyo.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dahcay ayaa haatan waxaa ku sugan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka mudug ee Maamulada labada dhinac iyo ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland iyo Galmudug.

Wixii faah faahin dheeri ah kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media