Qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal xoogan oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

Ugu Yaraan lix qarax oo ismiidaamin ah ayaa laga maqlay tuulada Raydhable oo u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurkahaba ee Koonfurta Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa sheegtay in qaraxyada ay ka dhashen rag isqarxiyay kadib markii ciidamada Nabad sugida koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaaden guri lagu qorsheynayay weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaadi lahaa Baydhabo.

Kooxda la weeraray ayaa dagaal toos la galay ciidamada dowlada ka hor inta aysan qaar kamid ah isqarxin.

Dowlada Soomaaliya waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan seddex ka tirsan Al Shabab iney ku qabten howlgalkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor