Ila laba Qarax oo kala duwan ayaa Caawa ka kala dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho qaraxyadaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad rayid ah.
Qaraxa Koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Wadada loo yaqaano 21 October,qaraxaas oo loo adeegsaday sida la sheegay Mootada loo yaqaaano Bajaajta oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in kastoo aan la shaacin halka loo waday.
Qaraxa Mooto Bajaajta ayaa la sheegayaa in uu sababay dhimashada Hal ruux iyo dhaawaca qof kale.
Sidoo kale qaraxa labaad ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Wadada Warshadaha ee Magaalada muqdisho waxaana ka badbaaday Cali Cusmaan Wehliye oo ka tirsan Masuuliyiinta Maamulka degmada Deeyniile oo Gaarigiisa loogu xiray walow uu ka badbaaday.
Maanta ilaa Caawa ayaa Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada dad Rayid ah waxaana ugu khasaaraha badnaa kii ka dhacay Gudaha Xarunta Maamulka degmada Wadajir oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 ruux sida ay sheegeen Saraakiisha Amniga Soomaaliya.
Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli Magaalada muqdisho ka wada howlgallada lagu xaqiijinayo dhanka amniga balse weli Muqdisho waxa ay martigelineysaa qaraxyada.