Qaraxyo xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Ugu yaraan laba qarax oo xoogan ayaa saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah Qaraxyadasi ayaa ka dhacay Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo horjeedka Iridka Xarunta Gaadiidka Booliska.

Qaraxasi ayaa ka dhashay Gaari ku qarxay halkasi sida goob jooge uu u sheegay Radio Dalsan.

Dad badan oo joogay maqaaxi goobta ku taala ayaa la xaqiijiyay in waxyeelo xoogan ay soo gaartay balse ma cadda khasaaraha rasmiga.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay Degmada Waaberi balse weli ma anan helin Khasaaraha ka dhashay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor