Qarax lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM & faah faahin..

Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe qarax lagula eegtay Gawaari ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kolonyadaan ayaa xilli ay marayeen deegaanka ilbiq oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magalada Jowhar iyo Degmada Balcad,waxana lala eegtay Miinada dhulka lagu aaso,waxana goobjoogayaal ay sheegeen in ay qabsatay midka mid ah Gawaarida AMISOM .

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas,balse aan la cadeyn karin maadaama ay goobtu tahay dhowr howd ah oo isku-socodka dadka iyo gaadiidka ay ku yaryihiin.

Mudo daqiiqado ah ayaa Ciidamada qaraxa lala eegtay ee AMISOM waxaa ay hakiyeen Gadiidka wadadaas isticmaalayey wallow markii dambe ay dib u fureen kadibna ay socodkoodii sii wateen.

Goobta qaraxa lagula eegtay Ciidamada AMISOM ee Ilbiq ayaa ahaa halkii lagu weeraray laguna dilay dabayaaqadii bishii Ramadaan Xildhibaanadii ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM intaba weli qaraxaas kama hadlin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor