Qarax lala Eegtay Ciidamada Jubbalad oo Ka Dhacay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada, kaas oo la sheegay in lala eegatay kolanyo ay saarnaayeen ciidanka maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen Seddex askari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Shan kale oo ka mid ah ciidanka Jubballand, kadib gaari ay saarnaayeen oo ay la kacday miinada dhulka lagu aaso.

Ilaa iyohada majirto cid ka hadashay qaraxaasi lala eegtay ciidanka Jubbaland, waxaana soo baxaya warar kale oo dheeraad ah, kuna aadan khasaaraha qaraxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media