Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegnka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ,waxana la sheegay in lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxaas, ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii qaraxa lala eegtay halka uu jiro khasaaro dhaawac ah oo soo gaaray dad Rayid ah.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamada dowlada waxa ay fureen rasaas,in kastoo aan la ogeyn khasaaraha ay u geysatay rasaastaas dadka rayidka ah.

Deegaanka KM13 oo uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in ay mid caadi ah ku soo laabatay kadib markii isu socodka dadka iyo Gaadiidka uu hakad galay  markii uu qaraxa dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media