Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay degmada Balcad

Wararka naga so gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu duleedka degmadaas ka dhacay qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxa ayaa qabsaday Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ah nooca Soomaalida u taqaano Cabdi  Cabdi Bilaha xili uu ku sii jeeday Magaalada jowhar kaas oo la sheegay in uu kamid ahaa Gawaari Galbineysay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo kamid ahaa Ciidamadii saarnmaa gaariga ayaa geeriyoday,waxana xoogaa hakad galay Safarkii xubnaha ka tirsan dowladda ee ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee degmada Balcad ayaan xiriir la sameynay si aan wax uga weeydiino qaraxaas balse ay ka gaabsadeen ,waxaana uu qaraxan noqonayaa kii labaad ee 24 saac Gudahood ka dhaca gobolka Shabeellaah dhexe.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media