Qaraxa ayaa la sheegay inuu Maanta ka dhacay Goob Qashin-qub ah oo lagu daadiyo hubka aan isticmaalka lahayn oo ku yaalla dhul Lama-degaan ah oo dhanka K/Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.
Qiiq xooggan ayaa laga arkayey magaaladda Kharaj oo u dhow Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Amiir Suldaan, oo ay ku sugan yihiin 2,500 Askar Maraykan ah iyo Diyaaradaha Dagaalka iyo Gantalladda Batriyootik ee loogu talagalay inay ka hortagaan Gantaalladda kale.
Jeneral Turki Al-Maalik oo l hadlay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA waxa uu sheegay inuu Qaraxaasi si shil ah ku dhacay, mana jirto Khasaaro ka dhashay.
Dhinaca kale, Kabtan Rajel Buitrago oo ka tirsan Ciiddanka Maraykanka oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AP ayaa sheegay inaysan jirin waxyeelo Ciiddankooda ka soo gaaray Qaraxaasi, isla markaana ay diyaar uyihiin inay Sacuudiga tageeraan, haddii loo baahdo.