Qarax ka dhacay duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee ciidamada dowladda Soomaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa xiliga qaraxa loo dhigayay waxa ay marayeen Wadada deegaanka Buurdhuxulle oo kala qeybiya degmooyinka  Waajid iyo Rabdhuurre ee Gobolkaasi Bakool.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxa ay dadka deegaanka Dalsan u sheegeen in uu xigay dagaal kooban oo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya halkaasi ku dhexmaray.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay weerarkaas iyaga ka dambeeyeen isla markaana dadkii ay ka lahaayeen ay ka gaareen

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media