Qarax ka dhacay Caasimadda dalka Belgium ee Brussels

Telefishinka RTL ee dalkaasi ayaa sheegtay in Waaberigii hore ee saakyato qarax lala beegsaday  Dhismahaasi oo ku yaalla Deegaanka Neder-Over-Hembeek, a suburb north of Brussels ee Waqooyiga magaalladda Brussels, mana jirto cid wax ku noqotay qaraxaasi.

Telefishinka RTL waxa uu intaasi ku daray in Koox wadatay gaari ay xoog ku soo jiireen saddex jidgooyo, ka hor intaysan Bam ku qarxin Machadkaasi oo hoos taga Wasaaradda Caddaaladda ee dalkaasi.

Dembi-baarayaasha dalkaasi ayaa sheegay inay ku raad joogaan Eedeysanahayaasha ka dambeeyey Qaraxaas oo ololiyey qeybo ka mid ah Machadkaasi oo ay ku yaallaan Shaybaaro lagu baaro Dembiilayaasha.

Bolis badan ayaa loo daad-gureeyey Dhismaha, waxayna baarayaan ugu yaraan Hal Eedeysane iyo wax ka badan oo lala xiriirinayo Qaraxaasi.

blast1 blast

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media