Qarax iyo dagaal toos ah oo ka dhacay degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe

Wararka aan saakay ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeellaha dhexe.

Ciidamada ayaa waxaa qaraxa lala eegtay xili ay marayeen meel ku dhaw Deegaanka loo yaqaano isgoys oo aan ka fogeen degmada Balcad.

Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa Dalsan u xaqiijiyay in ciidamada ay wateen gaari kuwa dagaalka ah qaraxa nooca miinada dhulka aaso ah loo dhigay gaari Cabdi bile ah o ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Balcad.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaasi ka dib Gawaari kale oo gurmad ahaan halkaasi u aaday Wadada loo galay islamarkaana daagal kooban uu halkaasi ka dhacay.

Ilaa 1 askari oo ahaa Darawalka Gaariga Cabdi Bilaha ahaa ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday kaas oo Magaciisa lagu sheegay(Cismaan Haash) halka dhaawacuna uu ku dhaw yahay ilaa 6 Askari.

Xaaalda degmada Balcad ayaa haatan ah mid kacsan iyadoona Balcad laga dareemayo saameynta uu reebay qaraxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media