Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo dhimashada oo 20…

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.

Cabdifataax ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale” ayuu Cabdifataax u sheegay VOA.

Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor