Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qarax xoogan ayaa galinkii dambe ee Jimcihii maanta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw xerada Koongo ee Magaalada Kismaayo,qof isu soo miidaamiyay ayaa qaraxaas fuliyay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubaland.

Qaraxa ayaa geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,labo qof ayaa ku dhawaawantay oo la sheegay in ay shacab ahaayeen,waxaana loo qaaday isbitaalada Magaalada Kismaayo

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen  in ismiidaamiyiin oo kaliya qaraxaas uu ku geeriyooday,howlgalo ayaana ka bilaaday nawaaxiga goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media