Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo garaya degmada Dharkeenley ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halka loo yaqaano Ajabka shidaalka ee degmadaas uu ka dhacay qarax Gaari.

Qaraxaan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska soomaaliya balse uu ka badbaaday sida uu dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka ah.

“Goobta anaga oo joogna ayaa qarax maqalnay markii aan imaanay,waxaan aragnay gaariga oo burbursan ninkii watay wuu ka dega majirto cid wax ku noqotay xaaladuna iminka waa mid caadi ah ah ayuu yiri goobjoogaha.

Wararka kale ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Sarkaalka markii uu Gariga ka degay uu ku wareejiyay mid ka mid ah Caruurta Gawaarida Dhaqa si loogu hagaajiyo intas kaibna uu qaraxa dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Goobta gaaray mana jirto cid loo qabtay qaraxaas,xaaladuna iminka ay tahay mid sideedii hore ku soo laabatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media