Sawiro:Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Gudaha Dalka Kenya

Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay.

Gaariga la weeraray ayaa ku jiray howlgal ay waddooyin ku fureyeen ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari.

Waa markii saddaxaad oo muddo 24 saac gudaheed ah oo dagaankaasi lagu weeraro askarta dalka Kenya ee ku sugan degaankaasi Malele oo ka tirsan gobolka woqooi bari Kenya.

Laba qarax oo kala duwan oo shalay dhacay ayaa lagu dilay sideed askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya.

Weli qaraxaan kama hadlin Saraakiisha ciidamada dowladda kenya u qaabilsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi oo Maalmahan ay qaraxyadu ku soo bateen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada Kenya.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media