Qaramada Midoobay oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir

Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay Qaraxii shalay ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ,islamarkaana waxyeelada badan geystay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Qaraxii shalay uu ahaa mid ay aad uga naxeen , ayna tacsi u dirayaan Eheladda dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Qaraxaasi lagu laayay dad u badan Shacab oo aan waxba galabsan.

“Qaramada Midoobey waxa ay si weyn u cambaareynaysaa Qaraxii Ka dhacay Muqdisho ,waxaana dhibaatada la qeybsanaynaa Eheladda dadkii ay waxyeelado soo gaartay, waxaana Aamisanahay in Qaraxaasi lagu weeraray dad aan waxba galabsan oo Masaakiin ah.” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobey.

Kudhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay Qaraxii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dowladda Federaalka ayaa maalmahan waday qorshe lagu xaqiijinayo amniga, waxaana Qaraxan uu ku soo aadayaa xilli Dowladda ay xirtay jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay sheegtay in ay uga gol leedahay sugidda amniga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media