Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Xaalladda Ammaan ee Soomaaliya

Shirkii 11-aad ee Wada-tashiga Wadajirka ee Golaha Ammaanka ee QM iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee MidowgaAfrika ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla magaalladda Addis Abeba.

Ambassador Tekeda Alemu oo ah Ergayga Dowladda Ethiopia u jooga QM, ahna Madaxa Golaha Ammaanka QM ee bishan September ayaa u sheegay Suxufiyiinta in Kulankaasi lagu lafaguray Xaalladda Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika, gaar ahaan Colaadaha iyo Xaalladaha ka jira dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo dalalka  loo yaqaano Harooyinka waa weyn ee Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray in Kulankaasi looga hadlay Xoojinta Xiriirka Golaha Ammaanka QM iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika iyo sida ay taageero uga geysan karaan Hannaanka loo xalin karo Xiisadaha ka taagan 3-daasi Dal.

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da, Ambassador Ismail Jergu ayaa sheegay in Kulanka wadajir samayn doono ahmiyadda La-dagaalanka cabsida ka soo kordhaysa Kooxaha uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

Mar uu ka hadlayey Xaalladda Somalia, waxa uu tilmaamay inay jiraan ifafaalo xaqiijinayo inay soo hagaagayso Xalladda Somalia marka la barbar dhigo sida ay ahayd 10-sanno ka hor.

“Si kastaba ha ahaatee, dhismaha Hay’addaha Dowladda oo awood leh iyo in Alshabaab laga saaro Somalia ayaa ah qorshaheenna shaqo ee socda” ayuu yiri Ambassador Ismail Jergu

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media