Qabuuro-wadareedyo cusub oo laga helay dalka Koongada Dimuqraadiga.

Baarayaasha QM ayaa sheegay inay 17 Qabuuro cusub ka heleen Deegaan ay horey ugu dagaalameen Ciiddanka Dowladda iyo xubno ka tirsan Koox Deegaaneed Hubeysan.

Madaxa QM ee Xuquuqda Aadanaha, Zayd Racad Al-xuseyni ayaa ugu baaqay Dowladda dalkaasi inay qaadaan Baaritaanka Kiiskaasi, wuxuuna ku goodiyey inay Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC qaadi doonto Baaritaankaasi, haddii ay Dowladda ku fashilanto arrintaasi.

Al-xuseyni waxa uu intaasi ku daray inay hayaan warar sheegayo inay Ciiddanka Dowladda qodeen Qabuurahaasi, kadib, markii  ay bishii Maarso dagaal kula galeen Maleeshiyadda KAMUNIA NASAPU bartamaha Gobalka Kasay.

Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay 74 qof oo ay ku jireen 30-carruur ah, iyadoo inta badan Dhibanayaasha la sheegay in lagu dilay guryahooda, iyadoo ay Ciiddanka guri-ka-guri u galeen, iyagoo baarayey Maleeshiyadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media