Qabanqaabadii ugu dambeysay oo loogu jiro Qabsoomida Bandhig Faneedka Nabadda iyo Dib-u-dhiska Dalka.

Guddiga Qabanqaabadda Bandhig Faneedkaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in ay ku jiraan Diyaar-garowgii ugu dambeeysay ee Qabsoomidda Bandhig Faneedka Nabadda iyo Dib-u-dhiska Dalka, oo dhawaan lagu daawan doono Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.

Guddigu waxay sheegeen inuu Showgaasi noqon doono midka ugu shacbiyadda badan ee dhowrkii sanno ee la soo dhaafay lagu daawaday Masraxyadda Fanka iyo Suugaanta  Soomaaliyeed.

Guddiga Qabanqaabadda Bandhigaasi waxay kaloo ballanqaadeen inay kordhin doonaan Bandhig Faneedyadda lagu casuumayo Fannaaniinta Caanka ah , si ay Kaalin uga qaataan Horumarinta Fanka, Dhiirigelinta Dhallinyaradda iyo Isdhex-galka Bulshadda.

Bandhig Faneedka loogu magac daray “Nabadda iyo Dib-u-dhiska Dalka” waxaa ka dhex muuqan doona Fannaaniin caan ka ah Somalia, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Axmed Muxumad Maxamed “Axmed Nasta”, Iidle Yare, Hodan C/raxmaan Dheere, Idil Cabdi Caddow iyo Mustikistaha caanka ah ee Xasan Cujeer Cajami.

Waxaa kaloo Bandhig Faneedkaasi ka qeyb qaadan doona Majaajilistayaal iyo Ciyaartoyda loo carbiyey Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Weriyaasheenna ayaa soo sheegay inay boqolaal qof ku xoonsan yihiin goobaha lagu iibinayo Tikidhida Bandhig-Faneedka Nabadda iyo Dib-u-dhiska, gaar ahaan Xarunta Super Sign, Hotel City Palace, Banadir Beach Hotel iyo Xarunta Radio Dalsan.

Qaar ka mid ah Dadweynaha iibsanayey Tikidhaha ayaa u sheegay Weriyayaasheenna inay ku faraxsan yihiin inay nasiib u helaan inay ka mid noqdaan Kumanaanka qof ee daawan doona Bandhig Faneedkaasi xiisaha badan ee Nabadda iyo Dib-u-dhiska Dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Kharajka ka soo xerooda Bandhig Faneedkaasi ayaa loo adeegsan doonaa Horumarinta Adeegyadda Asaasiga ee Bulshadda.

©Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor