Qaban qaabo lagu soo xerayo shirka madasha wadatashiga qaran oo ka socota Baydhabo

Magaalada Baydhaba waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday shir ay lahaayeen madaxda Madasha Qaranka ee Somalia.

Goor dhow maanta oo Sbti ah ayaa la filayaa inay soo saaraan war murtiyeed la xiriira faahfaahinta qodobada hore loogu heshiiyey ee qabashada doorashada hay’adaha dawladda iyo madaxda qaranka ee bilaha Ogosto iyo Sebtember.mudo xiledkooda ku egyahay

Wararka ay Dalsan madasha ka heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in la ansixiyay boqol iyo sodon iyo shanta oday ee soo dhisay Dawlada hada jirta halka kuwii dhintayna lagu badalay kuwa cusub

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay intaas ku darayaan in lakala diray guddiga doorashooyinka oo uu madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamud magacaabay 17-ka bishan kadib naqdin katimid hogaamiyeyaasha siyaasada qaarkood taas oo ay ugu dambeeyn madasha go,aan kagaartay in laga saaro wasiirada kujira iyo dadka siyaasada faraha kula jira in laga saaro inkastoo dood dheer kadib markii dambe lasheegay in madaxweynaha soomaliya xasan shekh maxamuud o golaaday

Sido kale wararka ka imaanayua Baydhaba ayaa sheegaya in Maamulka Jubba saddax xubnood laga siiyay Xildhibaanada cusub sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow madasha

Shirka madasha ee hada Baydhabo ka socda ayaa lasheegayaa in uu gabagabo u yahay shirarkii hore ee ka kala dhacay magalooyinka Muqdisho,Garowe,iyo Kismaayo waana waregii ugu dambeeyay ay madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku go,aansadaan arimaha la xiriira doorashooyinka guud ee Dalka oo hada mudo kooban ay kaharsantahy

.

.