Qaban qaabada soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo oo ka socota magaalada Garoowe

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa laga dareemayaa qaban qabaabada soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku wajahan magaaladaasi maalmaha soo socda.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka baxay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaan hordhac ah u ah booqashada madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Puntland,kuwaasoo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo u ambabaxaan magaalada Garowe,iyadoo sidoo kale madaxweynaha deegaano kale oo ka tirsan Puntland uu booqon doono.

Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa intuu ku sugan yahay magaalada Garowe wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland,kuwaasi oo uu kala hadli doono Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa.

Booqashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tagayo Puntland ayaa noqonaya tii ugu horeeyay uu ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 8-february ee sanadkii 2017.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media