Qaar kamid ah Wasiiradda Arimaha Gudaha Maamul-Goboleedyada oo ka badbaady Qarax Miino

Qarax Nooca Miinada dhulka lgu aaso ayaa waxaa galinkii dambe ee maanta lagula eegtay Degmada Balcad qaar kamid ah wasiiradda arimaha Gudaha ee Maamul-Goboleedyada.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii kolonyadii galbinmeesay Mas’uuliintaasi ay wadadaa mareen ,Wasiiradaan ayaa kala ahaa wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeele,Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed ,Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland iyo Xoghaya Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka .

Saraakiisha amaanka  Degmada Balcad ayaa sheegay in mas’uuliyiintaas aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin Qaraxaasi oo ay ka badbaadeen,waxaana mas’uuliyiinta ay ku sii jeedeen Magaalada Jowhar.