Qaar ka mid Qaxootiga Soomaalida ku nool Talyaaniga oo Dib-u-dejin laga siinayo dalka Romania.

Dufcaddii ugu horreysay Qaxooti tiradoodu dhan tahay 300 oo qof ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socoto ee Feberaayo gaaraan Casaimadda dalka Romania ee Bukharest.

Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah Qorshe ay Dowladaha Ururka Midowga Europe ku doonayaan inay xal ugu helaan Qulqulka Qaxootiga, iyadoo ay Dowladaha Yurub la ciirciirayaan Qaxootiga xad-dhaafka u soo galayo Qaaradda Europe.

Madaxa Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM uga wakiilka ah Romania, Mireje Mokanu ayaa sheegay in  Qaxootiga Dib-u-dejinta ka helay dalka Romania  laga soo qaadayo dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu xusay inay tiradooda ku dhowwdahay 300 oo qof.

Waxa uu intaasi ku daray in tiradda Qaxootiga la dejinayo dalka Romania bil kasta lagu soo kordhin doono 50-qaxooti.

Dhinaca kale, Go’aanka Midowga Europe ee uu u qoondeeyey in Qaxootiga ku xayiran Talyaaniga loo wareejiyo dalka Romania ayaa ku soo beegantay iyadoo Mucaaradka dalka Romania ka biyo diidsan yihiin arrintaasi.

Bilowgii Toddobaadkan, Boliska Xuduudaha Romania waxay qabteen 60 Tahriibayaal ay ku jireen kuwo Somalia, kuwaasi oo doonayey inay dalka Romania ka soo galaan Xuduuka ay la leeyihiin dalka Serbia.

©Radio Dalsan           

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor