Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Dowladaha ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia oo Kulan Khaas ka yeelanayo Hawlgalka AMISOM

Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Uganda iyo Ra’isul-Wasaaraha Ethiopia ayaa la filayaa inay Toddobaadka soo socda Kulan Saddex Geesood ah ku  yeeshaan caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Kenya ayaa qoray inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta maalinta Jimcaha booqasho 3 maalmood ah ku tegayo caasimadda dalka Uganda ee Kampala, si uu ula kulmo dhigiisa dalkaasi, Yuweeri Museveni.

Uhuru Kenyatta waxa u qorsheysan inuu Khudbad ka jeediyo Barlamaanka Uganda oo uu kaga hadli doono Xiriirka Labada Waddan iyo  Ammaanka Bariga Afrika.

Dhinaca kale, Warbaahinta Madaxa Bannaan ee dalka Uganda ayaa xaqiijiyey inuu dhici doono Shir Saddex Geesood ah oo ay Madaxda dalalka Kenya, Uganda iyo Ethiopia ku yeelan doonaan Kampala.

Shirkaasi oo lagu wado inuu qabsoomo  maalinta Axadda ee soo socota ayaa waxay Madaxweynayaasha Uganda, Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemaariam Desalegn kaga wada hadli doonaan Xiriirka Dalalkooda, Xaallada Somalia iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Shirkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama dhawaan ku ammaanay Ciiddamadda dalalka Ethiopia, Uganda iyo Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Madaxweyne Obama waxa kaloo sheegay inay khibrad ka qaadaan doonaan Siyaasadda Ethiopia ee dagaalka laagula jiro Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor