Qaar ka mid ah Burcad-baddeeda ku xiran India oo codsaday in lagu soo celiyo Dalkooda Hooyo.

15 ka mid ah 118-ka Burcad-baddeeda Soomaalida ee ku xiran Xabsiga Taloja ee dalka India ayaa waxay shalay si iskooda ah u qirteen Dembiyadii lagu soo oogay, waxayna codsadeen in dib loogu celiyo dalkooda Hooyo ee Somalia.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay Caasimadda dalka India ee New Delhi, Ahmed Mohamed ayaa Turjumaan u noqday Eedeysanayaashaasi oo shalay dacwadooda dib loo dhegeystay, iyadoo Qareenka u doodayey ahaa ishwajeet Singh.

15-ka Eedeysane ayaa laga soo kaxeeyey Xabsiga Taloja, kuwaasi oo la weydiiyey su’aalo ku xiriirsan falka lagu soo oogay ee ahaa Isku-day Fal Afduub hubeysan oo ay kula kaceen Badmaaxiin ay ku jireen kuwo Hindi ah oo la socday Maraakiib maraysay Badda Somalia.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ayAa sheegay inay ahaayeen 25 Burcad-baddeed, oo 10 ka mid ah ay geeriyootay, kadib, markii ay ku hafteen Badda.

Labo ka mid ah Burcad-baddeeda ayaa Turjumaan la’aan ugu hadlay Luqadda Hindida, kuwaasi oo qirtay Dembigooda, isla markaana codsaday in dib loogu celiyo dalkooda hooyo ee Somalia.

Burcad-baddeed magaciisa lagu sheegay Bon Jon Ali oo 31-jir ah ayaa u sheegay Maxkamadda inay sannooyin badan ku soo qaateen Xabsiga, isla markaana uusan wax war ah ka haynin Xaaskiisa iyo Carruurtiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin cid taageero siisa Qoyskiisa.

Bon Jon Ali oo tan iyo sannadkii 2011-kii Hoy u ahaa Xabsiga Taloja ee magaalladda Navi Mumbai waxa u ucabasho ka muujiyey cuntada Xabsiga, isagoo sheegay inay caadi u cuni jireen Kalluunka, maadaama ay Kalluumeysato ahaayeen.

Raage Risaaq oo 24-jir ah ayaa isagana Luqadda Jal Hindi ku qirtay Dembigiisa, wuxuuna codsaday inuu doonayo inuu ku laabto Somalia.

Qaar ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inay Ciqaab ku filan tahay Xabsiag 6-da sanno ee ay ku qaateen Xabsiga Taloja, waxayna codsadeen in dib loogu celiyo dalkooda Hooyo.

Xigasho: Indian Express

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media