Q/Midoobay oo walaac ka muujisay Dagaalka ka socda aagga Warshada Nukliyeerka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dagaalka ka socda agagaarka warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee koonfurta Ukraine.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu magaalada Lviv kula yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

“Dhaawac kasta oo soo gaari kara Zaporizhzhia waa xasuuq,” ayuu yiri Mr Guterres.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara madaxa Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Zelensky tan iyo duullaankii Ruushka ee bishii Febaraayo.

Mr Erdogan ayaa ka dhiidhiyay walaaca uu qabo madaxa Qaramada Midoobay, isagoo u sheegay saxafiyiinta inuu ka walaacsan yahay khatarta ay leedahay musiibo kale oo la mid ah tii Chernobyl.

Toddobaadyadii la soo dhaafay agagaarka xarunta, oo uu Ruushku qabsaday bishii Maarso, ayaa waxaa lagu weeraray madaafiic culus, iyadoo xukuumadaha Kyiv iyo Moscow ay midba midka kale ku eedeeyeen weerarradaas.

Moscow ayaa lagu eedeeyay in ay xarunta ka dhigatay xero ciidan, iyadoo saddexda hogaamiye ay ku booriyeen Ruushka in sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan aagga.