Q/Midoobay oo Qeylo-dhaan kasoo saartay Malaayiin dollar oo ka xayiran Afganistan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in  la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu  yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen  inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.

Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor