Puntland oo siideysay rag ka tirsanaa Kooxda Daacish

Maamulka  Puntland ayaa Xiroyadooda dib ugu celiyay Lix nin oo kasoo baxsaday Kooxda Daacish, kuwaas oo dhawaan isu soo dhiibay Ciidanka Puntland.

Kooxdan, ayaa markii ay soo baxsadeen ay Daacish ku xukuntay dil toogasho ah, balse Puntland ayaa sheegtay in qof kasta oo isa soo dhiiba la cafinayo, isla markaana uu si xor ah u noolaan doono.

Dhalinyarada kaso baxsatay Daacish ee isu soo dhiibay Puntland, ayaa lagu kala magacaaba.

1: ­Axmed Maxamuud Axmed oo ku dhashay Hargeysa.

­2:Faysal Idiris Cilmi oo ku dhashay Boorame. ­

3:Cabdi Salaan Axmed Xaaji Siyaad oo ku dhashay Kuwait

4: ­Cabdi Xakiin Xusseen Xassan oo ku dhashay Muqdisho

5 Isaaq Xusseen Cabdi oo ku dhashay Baydhabo. ­

Iyo  Siciid Cali Bare oo ku dhashay Muqdisho.

Madaxda Puntland ayaa sheegay in dhalinyaro ka soo baxsatay Kooxda Daacish lagu dilay jidka intii ay kuso jireen oo ay dileen Daacish, balse Lixdaan dhalinyarada ah ay nasiib u yeesheen inay soo galaan gacanta Puntland .