Puntland oo sheegtay inay Dagaalka Alshabaab ku soo af-jarayaan 72 saacadood.

Iyadoo ay Ciiddanka Puntland iyo Dagaalyahanadda Alshabaab maanta ku dagaalamayaan Togga Suuj ee duleeda Garmaal ayaa waxay Dowladda Puntland shaacisay inay muddo 72 sacaadood ku soo dhamaystiri doonaan Dagaalka ay ku jiraan Alshabaab ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Bari iyo Nugaal.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkaasi, Maxamuud Xasan Soo-cadde oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Garowe ayaa sheegay inay Ciiddankooda ku gacan sarreeyaan dagaal ay kula jiraan Alshabaab ku sugan Togga Suuj.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaabku ku jiraan Dhallinyarro aan u dhalanin Puntland, kuwaasi oo uu xusay in laga keenay qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Wasiirka kama hakaninin inuu Dowladda Federalka dusha ka saaro Alshabaabka ku soo qulqulaya Puntland, isagoo xusay inay Dowladda Federalka wax ka og tahay arrintaasi, inkastoo ay Dowladda Federalka horey u beenisay arrintaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland, waxa uu ugu baaqay Alshabaab ka dagaalamayo Puntland inay isa soo dhiibaan, isagoo sheegay inaan wax Dembi ah loo raacan doonin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku nool Deegaanadda ay Alshabaabka ku sugan yihiin ayaa bilaabay inay ka qaxaan, si aysan ugu dhex go’doomin dagaalka Labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, Iska horimaadka ka socda Togga Suuj ayaa u muuqda mid aan lagu kala bixi karin muddo kooban, maadaama ay Alshabaabka dhufeysyo adag ka qoteen Toggaasi oo aysan Gaadiidka Teknikadda si fudud ku gaari karin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor