Puntland oo Maanta Maxkamadeyneysa rag lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Maxkamada Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa Maanta la filayaa in ay la horgeeyo 11 rag ah kuwaas oo bishii julay ee sanadkaan laga qabtay duleedka magaalada Garowe, iyagoo sheegtay inay u socdeen buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Ragaan ayaa shalay la horgeeyay Maxkamada Gobolka Nugaal balse saddex ka mid ah ayaa la siidayay kadib markii Maxkamadu ay sheegtay in aan lagu helin wax dembi ah.

Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen ayaa ragaan ku eedeeyay in xiliga la qabanayay ay wateen raashin iyo Agab kale isla markaana qorshahooda uu ahaa in ay ku biiraan Al-Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala.

Puntland ayaa Sanadihii u dambeeyay waxa ay dagaal kula jirtaa Al-Shabaab iyada oo dhowr mar Shabaab weerareen degaano ka tirsan Puntland, waxana sidoo kale xusid mudan in weli Xabsiyada Puntland ay ku xiran yihiin dad lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab isla markaana ay ka dambeeyaan falal amnbidaro oo ka dhacay deegaanada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media