Puntland oo maanta ku dhawaaqi doonta xukunka lagu riday 43 ka tirsan Al Shabab

Maxkamada ciidamada militariga maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa iney ku dhawaaqdo xukunka 43 Al Shabab ah oo cadaalada sugayay tan iyo markii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deeganada maamulkasi.

Warbaahinta puntland ayaa sheegeysa in 43 ka tirsan Al Shabab lagu riday xukun dil ah balse aan weli la shaacin.

Ma jiran ila wareedyo madax banaan oo xaqiijin kara warkan,hase ahaate waxa maanta la filaya in Puntland ay shaaciso xukunka ay muteysten,kuwa ka tirsanaa Al Shabab oo dagaalka ku soo qabten.

Carruur ayaa kamid ahaa 43 Al Shababka ah oo ay Puntland gacanta ku dhigtay,hey’adaha xuquuqda adanaha ayaa walaac ka muujinaya in carruur yar yar la hor keeno maxkamad militari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor