Puntland oo kala dirtay ciidamo ku sugnaa koontarooladii uu ka soo gudbay gaarigii qaraxa siday

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa amar ku bixiyay in la kala diro Ciidamadii ku sugnaa koontoroolkii dhawaan uu ka soo gudbay gaarigii qaraxa siday ee lagu qabtay Arbacadii la soo dhafay Magaalada Boosaaso.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay inay lala xisaabtamayo ciidamadii ku sugnaa koontaroolkii uu dhaafay gaariga, waxaana uu wal wal ka muujiyay ciidamada fadhiya koontaroolada,isagoo amray in dhamaan ciidamadaas lakala diro Saraakiishii hoggaamineysana xilka laga qaado.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu dhex maray Garowe, isla markaana uu alaab ku dejiyay Qardho, waxaana Wasiirku sheegay inay baarayaan meelihii uu wax ku dejiyay.

Tani ayaa Puntland waxay u aragtaa talaabo looga hortagayo in qaraxyo kale la geliyo Gudaha deegaanada Maamulka Puntland,waxana xusid mudan in labadii dhalinyarda aheyd ee Puntland ay dhawaan qabteen iminka uu ku socdo baaritaano dheeraad ah.

Puntland ayaa haatan wajaheysa caqabado horleh oo kaga imaanaya dhinacyada Al-Shabaab iyo kooxda Daacish,waxana xusid mudan in Puntland ay horay dil ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish halka kuwo kale ay Xabsiyada Puntland ay ku xiran yihiin.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media