(XOG): Puntland oo ka tanaasulayso Nidaamka 4.5, haddii ay marti-gelinayso Xarunta Dhexe ee Barlamaanka Federalka.

Ilo-wareed aad ugu dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa waxay sheegayaan inuu Maamulka Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas debecsanaan ka muujin doono Qaadashadda Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 ee ay Beelaha Soomaaliyeed ku wadaagaan Maamulka Qaranka.

Madaxweyne Gaas oo isagu Aragti ahaan ka biyo-diidsanaa Nidaamka 4.5 ayaa waxa uu haatan ku talamayaa in Farsamo-siyaasadeed cusub la yimaado iyo inuu Gorgortan kale ka helo Nidaamka Awood-qeybsiga Haykalka Dowladnimo ee Somalia.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisa loo adeegsanin Warbaahinta ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas u soo bandhigay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke qoddob siyaasadeed horseedi kara in la gaaro Xeer-jajab ku aadan Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed ee Xilalka Dowladda Federalka.

RW IYO GAASMas’uulkaasi oo ka qeyb galay Shirka Labadaasi Hoggaamiye waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Gaas soo jeediyey Farsamo-siyaasadeed cusub, isagoo tilmaamay inay Reer Puntland ka tanaasuli doonaan Diidmadooda Nidaamka 4.5 haddii la isku raaco in Xarunta Dhexe ee ay ku hawl-gelayaan Barlamaanka Federalka loo soo wareejiyo Magaallo-madaxda Dowlad-gobaleedka Puntland ee  Garowe.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa u sheegay Madaxweynaha Puntland inuu Hindisahaasi u gudbin doono Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud, si Talo Mideysan looga qaato Hindisahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda go’aanka ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ka qaadan doonaan Hindisaha cusub ee Madaxweynaha Puntland ee ku aadan Tanaasulka Nidaamka 4.5 iyo in Xarunta Dhexe ee Barlamaanka Federalka loo wareejiyo Garowe.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor