Puntland oo Ciidamo geysay Gobolka Sool iyo Xiisad ka taagan

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Ciidamadaan oo ah kuwa Kumaandoosta puntland ayaa gaaray deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo Maamulka Soomaaliland uubgeyn lahaa Snaadiiqda doorashooyinka Maamulkaas.

Xiisad ayaa saakay ka taagan deegaanka Tukaraq,iyada oo laga cabsiqabo in ay wada dagaalamaan Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland ayaa dhawaan sheegay in Puntland ay kala hadleen in aan la carqaladeyn doorashooyinka Gobolada Sool iyo Sanaag balse waxaa taasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Puntland isagoo uga digay in Soomaaliland ay Gobolada Sool iyo Sanaag geeyaan Sanaadiiqda doorashooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media