Puntland oo Caawa Joojisay Shir looga hadli lahaa Arrimaha Imaaraadka ee Soomaaliya

Wararka nagas oo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay Caawa joojiyeen shir looga hadlayay arrimaha Imaaraadka ee Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa tegay Hotelka lagu Magacaabo New Rays TWO ee Magalada Haroowe,iyaga oo ku wargeliyey dadkii ka qeybgeli lahaa shirkasi in uusan jirin wax kulan ah,isla markaana ay kala tagaan.

Wariyayaal ku sugan Garoowe ayaa waxa ay soo sheegayaan in kulankas ay soo qaban qaabiyeen halinyaro reer Puntland ah balse Masuuliyiinta Maamulka Magalada Garoowe ay u arkeen mid looga soo horjeedo taageeradii Puntland ay siisay Imaaraadka,isla markaan algu tageerayo dowladda Soomaaliya.

In kastoo aan weli sidhab ah loo ogaan cidda kulankaas soo abaabishay ayaa waxaa la sheegayaa in ammarka lagu joojiyey uu ka soo baxay Guddiga Nabadgelyada gobolka Mudug,iyada oo faah faahin dheeraad ah an laga sii bixin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media