Puntland oo $50.000 oo Dollar Ugu Deeqday dadka fatahaadu ay saameeysay ee Beledweyne

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka dadkii ka cararay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Puntland ayaa gurmadkaas loo sameynayo dadka Baladweyne waxa ay ugu deeqeen lacag dhan $50,000 konton kun oo dollar si loogu qabto baahiyaha xilligaan dadkaasi barakacay heysta.

Guddiga gurmadka Puntland u xilsaareen u gurmashada Shacabka Baladweyne ka barakacay waxa ay ku wareejiyeen Duqa degmada Boosaaso ahna wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda  Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si Madaxda Hir-Shabeelle loogu wareejiyo.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa iyana dhankeeda ka qeyb qaadaneysa gurmadkaas,waxaana Maamulka Puntland uu noqday maamulkii labaad ee u gurmada dadka Baladweyne,iyada oo uu ka horreeyey Maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media