Puntland iyo Galmudug oo Maanta ku wada Hadlaya Gaalkacyo

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ku kulmaya Magaalada Gaalkacyo oo beryahanba dagaal xoogan uu ku dhexmarayay labadasi dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Gaalkacyo,kuwaas oo xal u raadinaya Dagaalada ku soo laab laabtay Magaaladasi.