Puntland: “Dowladda Federalka ayaa ka dambeyso Alshabaabka ku sii qulqulayo Puntland”

Wasiirka Ammaanka ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab” ayaa sheegay inay Dowladda Federalka ku lug leedahay Alshabaabka ku soo jabay Deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalladda Garowe, kadib, markii ay Golaha Wasiiradda ee Puntland yeesheen Kulan Degdeg ah oo looga hadlayey Alshabaab soo gaaray Deegaanka Gara-cad ee Gobalka Mudug.

“Dowladda Federalka ayaa la dhihi karaa wey ka dambeeysaa arrintaa, kadib, markii ay Puntland diideen Awood-qeybsiga 4.5 ee aan sharciga ahayn” ayuu yiri Wasiir Qarjab oo tilmaamay inay Alshabaab ka soo gudbeen qeybo ku yaalla Goballadda Koonfurta.

Hadalkiisa ayaa laga dareemayaa inay Maamulka Puntland Siyaasadeynayaan Duullaanka Alshabaab, kana dhigeen inay jaal yihiin Dowladda Federalka iyo Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Wasiirka Ammaanka Puntlandayaa u muuqda mid lagu sii ololinayo Khilaafka dhinaca Aragtida ee kala dhexeeyo Dowladda Federalka, mana soo bandhigin wax caddaymo oo uu ku xoojin karo Eeedeymahaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor