Professor Jamaacadeed oo Arday ku khasbay inuu cuno hilib dadeed oo la xukumay.

Maxkamadda Heerka Degmo ee Suwon ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa waxay maanta meelmarisay xukun 12-sanno oo horey loogu riday Profesoorkaasi oo 52-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu jirdilay mid ka mid ah Ardaydiisa, kadibna ku khasbay inuu cuno hilib Aadmi iyo inuu cabo kaadi.

Maxkamadda waxay kaloo Xabsi  3 ilaa 6 sanno ku riday saddex qof oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Dhibanaha falkaasi loo geystay oo 29-jir ah ayaa Maxkamadda u sheegay inay dadkaasi jir-dili jireen, isla markaana ay madaxa u gelin jireeen Bac ay ku buufiyeen Basbaas.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku khasbeen inuu cuno hilib dadeed, iyo inuu cabo Kaadidooda oo ay dhalo ugu shubi jireen.

© Radio Dalsan                      

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor