HomeWararPeter Munya: “Qaadka laga joojiyey Somalia darteeda, Nolosheyda Khatar ayey ku jirtaa”

Peter Munya: “Qaadka laga joojiyey Somalia darteeda, Nolosheyda Khatar ayey ku jirtaa”

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Guddoomiyaha Gobalka Meru ee dalka Kenya ee dartiisa  Qaadka looga joojiyey Somalia ayaa sheegay inuu u baqanayo Noloshiisa, kadib, markii ay soo baxeen Wararka sheegayo inuu sababayey Go’aankii ay Dowladda Federalka isbuucan ku joojiyeen Qaadkii laga keeni jirey Kenya.

Peter Munya oo shalay ka hadlay Xarun Caafimaad oo ku taalla Gobalka Meru  ayaa ku calaaalay inay isaga ku raad joogaan Koox danaysa Ganacsiga Qaadka oo doonaysa inay isaga u dilaan Qaddiyadda Qaadka laga joojiyey Somalia darteeda.

Waxa uu tilmaamay inay Kooxahaasi  dhowr sanno ka hor dileen Dhaqdhaqaaqyahan la oran jirey Ntai wa Nkuruaru oo si adag uga hadli jirey Dhibaatadda Ganacsiga Qaadka.

“Eedeymaha lagu sheegay inaan u sabab ahay Qaadka laga joojiyey Soalia waay nolosheyda gelisay Khatar Waxaana ka baqanayaa Kooxaha daneeya Ganasiga Qaadka inay I soo beegsadaan oo ay keligey I khaarijiyaan” ayuu yiri Peter Munya.

Waxa kale oo uu sheegay in isaga saamayn ku yeelatay hadalkii Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan ku sheegay inay Dowladda Somalia u joojisay Qaadka Socdaalkii uu Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Meru ku tegay magaalladda Hargeysa ee uu kula kulmay Madadxda Maamulka Somaliland.

Ambassador Jamaal Maxaed Xasan oo Wareysi siiyey Wargeyska maalinlaha ee Daily Nation waxa uu xusay inuu Guddoomiyaha Gobalka Meru u adeegsaday Ganacsiga si  uu u kala dhantaalo Midnimadda Somalia.

Isniintii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay Dowladda Federalka sheegtay inay si KMG loo joojiyey Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirtey Kenya.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories